Gudoomiyaha golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in dagaalada ka socda gobalka Gal-gaduud aanay wax shaqo ah ku lahayn ciidamada Ahlu-sunna ee gobalkaasi ku sugan.
Dagaaladii ka dhacay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayuu sheegay in uu u dhaxeeyo dad deegaanka wada degan oo arimo kale isku haysto, isaga oo tilmaamay in ay aad uga xunyihiin dagaalka socda.
“Waan ka xunnahay dagaalka socda, mana ahan wax ku lug leh Ahlu-sunna, mida kale ma jirto dowlad iyo Ahlu-sunna oo dagaalamay, Ahlu-sunna ciidankeeda meelihii loogu tala galay ayeey joogaan, mana jirto qeyb ahlu-sunna ah oo dowladda raacday, dagaalkaan ma aan gelin, mana u soconno” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca.



From the comments