Maanta waxaa baarlamaanka hortagay Xeer Illaaliyaha Guud iyo Hanti Dhawrka Guud iyaga oo ka jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanada ka weeydiinayeen waraaq ay si wadajir ah u soo saareen todobaad ka hor.
Xeer Illaaliyaha Axmed Daahir oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa kalifey in uu soo saaro warqad wasiirada iyo ku xigeenada looga mabnuucayo in ay dalka dibadiisa u safraan ayuu sheegey in ay sameeyeen baaris, kadibna 19 wasaaradood iyo 3 hey’adood oo la shaqeeya wasaaradda ay ku heleen wax is dabomarin la xiriirta awoodda iyo hantida dowladda.
Hanti Dhawrka Guud Nuur Faarax oo isna ka jawaabayay su’aal ahayd sharciyadda ay u mareen in isaga iyo Xeer Illaaliyaha ay isla saxiixaan warqadda safar ka joojinta wasiiradda iyaga oo ah labo xafiis oo kala madax banaan, ayuu sheegey in ay keentey xaalad degdeg ah oo markaasi jirtey, balse khalad iyo sax midka ay ahaydba uu isagu raaligalin ka bixinayo.



From the comments