Isagoo maanta (Isniin) ka hadlayay kulankii baarlamaanka , guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayuu gudiga anshaxa ee baarlamaanka ku amrey in todobaadkan ay xildhibaanada u gudbiyaan waraaqaha ganaax lacageed oo gaaraya $600 doolar, kaasi oo ay ku muteysteen maqnaansho.
“Mudanayaal saan ma anfacayso, hadda oo 1-dii duhurnimo la joogo ayaa lasoo gaarey 140 xildhibaan, maanta oo dhanna aan idin sugeyney, shuruuc muhiim ah ayaa noo yaala oo naloo igmaday, lagama maarmaana ah in kalfadhigan ay kuligood wada gudbaan ama aad diidaan, iyo wixii aad talaabo ka qaadeysaan aad ka qaadaan, illaa bishii oktoobar sharciyadii la qeybiyey waa nala yaalaan” Ayuu yiri Jawaari
“Marka waxaan amrayaa Gudiga anshaxa in loo gudbiyo dhamaan wixii oktoobar iyo nofeembar xildhibaanadii baaqdey, bisha deseembar lacagtooda ha laga gooyo kuwa muteystey , waxa la gooynayo waxaa weeye shan dhigoow dhig, oo ah $600 doolar, ninkii 8 maalmood oo maqnaansho ah aan ka helno” ayuu intaasi ku darey. Wuxuu gudiga ku amrey in lacagtaasi lagu shubo qasnadda daryeelka xildhibaanada si xildhibaankii xanuunsada daweyn caafimaad loogu diro.



From the comments