Sarkaaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday dagaal culus oo ka dhacay degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.
Dagaalkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsanaa taaliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee gobalada Jubooyinka iyo Gedo Jeneraal Cabaas Ibraahim Gureey iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in sarkaalka geeriyooday lagu magacaaabayay Faarax Cabdi, iyadoo sidoo kale dagaalkaasi ay askar kale waxyeelo kasoo gaartay.



From the comments