Wasaaradda arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonto dib u dejinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda.
Cabdifitaax Cali Xasan oo ah agaasimaha Agaasimaha Xiriirka Wasaarada Arimaha Arimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in qorshahaan uu yahay mid muddo badan ay ka shaqeynayeen, islamarkaana loo sameeyay hay’ad arimahaan ka shaqeysa.
Agaasimaha ayaa dhanka kale faah faahin ka bixiyay hay’ad cusub oo loogu tala galay in ay wax ka qabato arimaha qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaayo iyo qorshaha hay’adan.



From the comments