U bood dhigaalka

Adeegyadii Bulshada Ee Degmada Luuq Oo Gabi Ahaanba Xayiran (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

LuuqWararka ka imaanaya degamada Luuq ee gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in gabi ahaanba halkaasi aanu ka shaqeyneen goobihii adeegyada bulshada, sida Garoonka, Isbitaalada iyo dhamaan goobaha ganacsiga ee degmadaasi.

Taasi ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib Markii is qabqabsi uu soo dhex galay maamulkii hore ee degmadaasi iyo sidoo kale mid cusub oo dhawaan halkaasi loo magacaabay.

Maxamuud Maxamed Cabdulle oo ka mid ah ganacsatada degmada Luuq ee Gedo ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ciidamo cusub oo degmadaasi yimid ay amar ku bixiyeen in aan wax adeeg bulsho ah aan la furi karin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in halkaasi ay ku suganyihiin ciidankii maamulka hore, taasna ay keentay in Garoonka xitaa la xiro, loona sheego diyaaradaha in wax amni ah aanu meesha ka jirin.

Maamulkii hore ee degmada Luuq ayaa ku adkeysanaya in weli uu yahay maamulka saxda ah ee degmadaasi, halka midka cusub ee la sheegay in halkaasi loo magacaabayna sheegayo in maamulka degmada iyagu yihiin, taasina waxay keentay cunaqabateen dadban in shacabkii la saaro.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News