Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino, kaa oo lala eegtay ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Miinada ay ahayd mid dhulka lagu aasay, waxaana ciidanka lala eegtay ay saarnaayeen gaari nooca dagaalka ah.
5 ruux oo Laba ka mid ah ay yihiin shacab ayuu sheegay goobjoogahaan in halkaasi ay ku dhaawacmeen, iyadoona ciidamada dowladda ay rasaas fureen.



From the comments