Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la filaayo in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Diyaarad gaar ah oo waday Mr Cumar ayaa kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, taa oo ka timid magaalada Nairobi oo uu soo maray ka dib safar uu uga soo kicitimay dalka Mareekanka.
Waxaa soo dhaweeyay siyaasiin iyo xubno ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo halkaasi ku sugaayay.



From the comments