Dabley hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in dilal ay ka geysteen degmada Laascaanood ee gobalka Sool, gaar ahaan duleedka Koonfureed ee degmadaasi.
Dilalkaan oo dhacay maanta ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dambeysay dabley hubaysan markii ay jidka u galeen gaari ay dad shacab ah saarnaayeen, halkaasi oo ay ku dileen Hal qof, sidoo kalena ay dhaawaceen dad kale oo gaariga saarnaa.
Islamarkiiba waxaa la sheegay in dabley kale oo doonaysa ninka la dilay iyo sidoo kale dadka la dhaawacay in ay u aargudaan ayaa iyaguna waxay dileen Laba qof kale oo shacab ah.



From the comments