Maamulka gobalka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay tahay wararka sheegaya in iyagu ay is hortaag ku sameeyeen garoonka magaalada Gaalkacyo dhawaan ka sameesteen maamulka Gal-mudug State.
Axmed Muuse Nuur oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in wararkaasi ay ka maqleen warbaahinta, hase ahaatee maamulkooda uu cadeynayo xilligaan in aanay hortaagneen garoonkaasi.
“Anagu ma hortaagnin garoonka Gaalkacyo ay ka sameysteen Gal-mudug, warkaasi waxaynu ka maqalnay Qeydiid oo Warbaahinta ka sheegaya, hase ahaatee hadii ay u helayaan garoonkaasi maacaamil dhanka hay’adaha Qaramada Midoobay duulimaadka u xilsaaran, ama ay jiraan shirkado diyaaradahooda kasoo dejinaya Gaalkacyo anaga ma hortaagnin, xilliga ay doonaan wey furan karaan” ayuu yiri Axmed Muuse Nuur



From the comments