Waxbarashada waxa ay muhiim u tahay qof walba, qof hadii uu waxbartana waxa uu ku gaaraa waxbarashadiisa horumaro badan, dalkana waxbuu ugu qabtaa.
Hadaba waxaa jira caqabado badan oo laga yaabo in ay hortimaado xilliga qofka wax uu baranayo, haba ugu badnaatee dhalinyarada xilligaan haasaawaha ku jira.
Waxaa jira dhallinyaro badan oo waqti badan galiyay ku hadalka telefoonka ama isticmaalkiisa xiliyada waxbarashada ama waqtiyo looga baahnaa diyaarinta imtixaanada taasoo dib u dhac ku ah hannaankii waxbarasho ee qofka maadaama uu waqti badan galiyay ku haasaawidda dhinaca telefoonka halkii uu ka galin lahaa dhinaca waxbarashada.



From the comments