Saraakiisha hay’adaha amniga ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.
Khaasim Axmed Rooble oo ah afhayeenka laamaha amniga oo maanta saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalada ay ahaayeen kuwo amaanka lagu xaqiijinayo, islamarkaana lasii wadi doono.
Waxa uu tilmaamay in howlgaladii ugu dambeeyay ay sameeyeen xilli habeen ah, ayna ka sameeyeen degmooyin ay ka mid yihiin Xamarjajab, Xamarweyne iyo Boondheere, waxaana uu tilmaamay in dad badan lasoo qab qabtay, balse intii badneyd markii wax dambi ah lagu waayay lasii daayay, balse hadda ay gacanta ku hayaan dad yar oo baaritaano ka socda.



From the comments