Maamulka deegaanka Mareereey ee gobalka Shabeelaha Hoose yaa sheegay in amni balaaran uu xilligaan ka jiro deegaankaasi, ka dib markii howlgalo is xig xiga ay halkaasi ka sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Sayid Baale oo ah gudoomiyaha deegaankaasi oo u waraay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in deegaankaasi la geeyay ciidamo badan oo ka mid ah kuwa xooga dalka Soomaaliya, taasina ay keentay in amniga uu aad isku bedalo waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu sheegay sidoo kale in amni uu ka jiro deegaanada kale ee ku dhaw Mareerey, isaga oo tilmaamay in markii ciidamada xooga dalka la geeyay deegaano badan oo Shabeelaha Hoose ka mid ah, ay amniga wax badan ka qabteen.



From the comments