Madaxweynaha Soomaaliya oo galabta ka hadlayay munaasabaddii uu kaga dhawaaqayay Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid ayaa Cumar ku amaanay hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.
“Waxaan rabaa, Danjire Cumar waad wada garaneysaan waa safiirkeenii ugu dambeeyey ee magaalada Washington, ee dalka Mareykanka, laga soo bilaabo 1991-kii illaa iyo hadda safiir kumeeynaan lahayn magaalada Washington ee dalka Mareykanka, safaaradaas oo mudada labaatanka iyo dhawrka sano xirneyd ayuu hadda soo agaagumey oo uu soo furey, shaqo aad iyo aad u qurux badana ka qabtay safaaradda, furitaankeedii iyo calaaqaadka dowlada Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya u dhaxeeya intaba” ayuu yiri madaxweynaha.
Mar uu ka hadlayay qaabka ay magacaabista ku timid ayuu sheegey in go’aanka magacaabista uu isaga shaqsi ahaan gaarey sida uu dastuurka u ogolaanayo, balse uu sameeyey la tashi qeybaha kala duwan ee bulshada iyo “Saaxiibada Soomaaliya” sida uu hadalka u dhigey, balse uusan magac dhabin kuwa ay yihiin saaxiibadaasi.



From the comments