Wasiirka Amniga ee maamul goboleedka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika Willies Mchunu ayaa ka deeyriyey weeraro lagu qaadey dukaamo ay leeyihiin Soomaalida ku nool gobolka KwaZulu-Natal.
Wasiirka ayaa sheegey in bambaanooyin dhalooyin batrool lagu shubey laga sameeyey oo lagu weeraray dukaamo Soomaalida halkaasi ku leedahay ay ka dhignaan karto ajnabi naceyb.
Dhacdadii ugu dambeysey labo qof oo Soomaali ah ayay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen kadib markii lagu weeraray dukaan ay ku lahaayeen xaafadda KwaMashu ee magaalada Durban u dhow.



From the comments