Guddoomiyaha degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Xasan ayaa sheegey in wali ay raadinayaan 2 ka mid ah rag 4 ahaa oo todobaadyo ka hor degmadaasi ka geystey fal fool xun oo lagu laayay 5 dumar ah.
Gudoomiyaha waxa uu sheegey in 2 ka mid ah ragga ay xabsiga ku jiraan, labada kalana lagu raadjoogo, wuxuuna sheegey in ciidamada AMISOM uu ka codsaday in ay ka qeybqaataan baadi goobka askarta dumarka leysey iyo waliba rag ka tirsan Alshabaab oo goowracay 2 dumar ah.
Dadka reer Tiyeegloow, gaar ahaan dumarka ayaa wali ka argagaxsan falka lagu laayay illaa 7 dumar ah, iyada oo cabsi badan ay wajahayaan dumar la sheegey in ciidamada Alshabaab ay xoog ku guursadeen intii ay ka talinayeen magaalada.



From the comments