Ciidamada Militiriga Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaqaaqay wadooyin ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose kuwaa oo la sheegay in falal amaanka ka dhan ah ay ku soo kordheen.
Wadooyinka ciidamadaan ay ku baxeen ayaa la tuhmayaa in ay ku sugan yihiin rag hubaysan oo xilliyada qaar halkaasi dhibaatooyin ka geysta, islamarkaana dhaca gaadiidka iyo dadka shacabka ah.
Ciidamadaan wadada ay haatan ku baxeen ayaa ah, wadada hoose ee ka baxday degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose taas oo marta deegaanada Mareereey, Baladul Amiin ilaa iyo deegaanka Janaale.



From the comments