Waxaa dalkooda dib ugu laabanaya dhamaan ciidamada dowladda Siera Leone ee ka joogay Soomaaliya, kuwaa oo ka qeyb qaadanayay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa maanta ka dhacday munaasabad uu ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan dowladda, taasi oo lagu sagoontinayay ciidankan.
Sidoo kale munaasabadaan waxaa ku sugnaa saraakiil ka mid ah AMISOM iyo mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubba.



From the comments