Maamulka cusub degmada Jowhar ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa amar dul dhigay dhamaan shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Gudoomiyaha dhawaan degmadaasi loo magacaabay Maxamed Cali Muudeey ayaa ku amray dhamaan shacabka ku dhaqan degmadaasi, in guri walba lagu xiro Leer (Nal) kaas oo uu sheegay in uu ka qeyb qaadan doono nabadda iyo bilicda degmadaasi.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku amray dhamaan shacabka in ay kaalin ka qaataan ololaha bilicda loogu soo celinayo degmadaasi, gaar ahaan nadaafadda oo uu sheegay in qof waliba waajib ka saaran yahay.



From the comments