
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa halkaasi waxa uu kulan kula yeeshay madaxda maamulka KMG ee Jubba.
Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubba Ibraahim Xasan Cabdi oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta Jubba ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xiriirka Dowladda iyo Jubba.
“Waxaa laga wada hadlay arimo ku aadan xiriir dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba sidii loo xoojin lahaa, maadaama wadanka uu yahay Federaal, sidii loo wada shaqeyn lahaa, waxaana madaxweynaha waxa uu ku baaqay in la dhameystiro maamulka Jubba, laga wada shaqeeyo amaanka” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta maamulka Jubba.



From the comments