Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose.
Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaa caga dhigatay diyaaradii siday Madaxweynaha, waxaana halkaasi kusoo dhaweynaya mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubba.
Diyaaradii siday Madaxweynaha inta aanay Kismaayo gaarin, waxaa halkaasi uga sii hormaray ciidamo gaar ah oo amaanka suga, wasiiro uu ka mid yahay Xuseen Cabdi Xalane oo ah sii hayaha wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo xubno kale.



From the comments