Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, iyadoo sidoo kale saaka halkaasi ay gaareen xubno ka mid ah wasiirada dowladda.
Amaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan lagu arkayaa ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo amiga aad u xoojiyay, islamarkaana wado walba taagan.
Magaalada waxaa gaaray xubno uu ka mid yahay Xuseen Cabdi Xalane oo ah siihayaha xilka wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya.



From the comments