Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta meel fagaaro ah kaga dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweynenimo gobolada Dhexe oo loo dhisayo maamul goboleed.
Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa ka sheekeeyey waxqabadkiisa intii uu ahaa madaxweynaha Galmudug, isaga oo farta ku fiiqey in uu dib u hawlgaliyey xarumihii dowladda sida Madaxtooyada, Dhismaha Baarlamaanka, Dhismaha Guriga Odayaasha, dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise Maxamuud iyo meelo kale.
“Degmada Hobyo boqolkiiba 60% illaa 70% ayaan dhisney goobihii maamulka , waxaa ka mid ah madaxtooyada, xeradii ciidamadda badda, saldhigga booliska, guriga taliyaha qeybta, iyo isbitaalka degmada” ayuu yiri Qeybdiid.

















From the comments