Maamulka Puntland ayaa ka hadlay magacaabista Cumar Cabdirashiid ee loo magacaabay Xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya maalin kahor.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan in Cumar Cabdirashiid uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Dalka markiisa Labaad.
“Waxaan hambalyo iyo taageero u jeedinayaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo loo magacaabay xilka Ra’iisul wasaaraha, horayna wuu usoo noqday Ra’iisul wasaare , maantana waxaan soo dhaweyneynaa in Mar Labaad uu xilkaan qabto, waxaan rajeyneynaa in uu wax ka qaban doono daalkii iyo is qabqabsigii dowladda Federaalka, siyaasiinta Xamar jooga uu isku soo dhaweyn doono, baarlamaankana isku soo dhaweynayo, waxa uu kaalin ka qaatay dhismaha Jubaland iyo doorashooyinkii ka dhacay Puntland” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland.



From the comments