Magacaabista ka dib waxaa si kooban hadal u jeediyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in wasiiradaan looga baahan yahay wax qabad muuqda.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan lasoo dhameystirayo xubnaha kale ee ka haray maamulka Koonfur Galbeed, loogana fadhiyo shaqo hufan iyo daacadnimo.
Dhawaan waxaa magaalada Baydhaba ka dhacay heshiis ay wada gaareen maamulka Koonfur Galbeed iyo midka Madoobe Nuunoow ee sheegayay inay maamulaan Lixda gobal ee Koonfur Galbeed.
From the comments