Saraakiisha maamulka KMG ee Jubba ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal ciidamada maamulkaasi ay ka wadaa dhamaan xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose iyo sidoo kale deegaanada magaaladaasi hoostaga.
Korneel Maxamed Ibraahim Buulle oo ka mid ah saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa isaga oo isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo u sheegay Goobjoog Fm, in howlgalka uu yahay mid amaanka guud ee magaaladaasi lagu qaxiijinayo.
Waxa uu sheegay in guryaha magaalada Kismaayo ay mid mid u baarayaan, islamarkaana ay ugu tala galeen in ay cagta mariyaan cid walba oo ay u arkaan in amniga ay kasoo horjeedaan.



From the comments