Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dabaal degayaa 71-sano guuradii kasoo wareegtay marki la aas aasay ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taa oo Sanad Walba la xuso.
20-ka December 1943 ayeey ku beegneed markii si rasmi ah loo aas aasay ciidamada Booliiska, waxaana munaasabad maalintaan loogu dabaal degayo haatan ay si toos ah uga soctaa Dugsiga Tababarka Booliiska ee Jeneraal Kaahiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadaan ka qeyb galay, isaga oo halkaasi Salaan sharaf uu uga qaatay ciidamada Booliiska.



From the comments