Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in maalmaha soo aadan degmada Cadaado uu ka furmi doono shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.
Afhayeenka maamulkaasi Cismaan Maxamed Careys oo u wareysi siiyay Goobjoog Fm, waxa uu tilmaamay in maalmo ka dib ay Cadaado tagi doonaan gudiga Farsamada ee maamulkaan loo sameynayo Mudug iyo Gal-gaduud, kuwaa oo tababaro lagu siinayo magaalada Muqdisho.
Natiijooyin ayuu ka dhawaajiyay in la heli doono maalmaha ka dhiman Sanadka cusub, waxa uuna sheegay in diyaar garowga haatan uu yahay mid aad u sareeya, isaga oo hadalkiisa ku daray in badi ergada ay halkaasi ku dhan tahay.



From the comments