Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmadaasi, ka dib markii Al-shabaab ay halkaasi isaga baxeen
Maxamed Macalin Axmed oo ah Gudoomiyaha Dagmada Xudur oo la hadlay Goobjoog FM, ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaayay kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen ilaa 6 tuulo oo muddo badan maamulayeen Al-shabaab.
“Ciidamada waxay la wareegeen ilaa Lix Tuulo, waxaana howlgalada ay yihiin kuwo socda, ilaa iyo hadana weynu kusii socon donnaa deegaanada kale ee dhiman” ayuu yiri Gudoomiyaha.



From the comments