Magaalada Baraawe oo xarun u noqonaysa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa gaaray madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
Diyaarad Helicopter ah ayaa masuuliyiintaan halkaasi geysay, iyadoo si diiran ay usoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose iyo maamulka degmadaasi.
Mas’uuliyiinta maamulka degmada Baraawe ee dowladda Soomaaliya ayaa inoo sheegay in ururada Bulshada iyo dadweyne badan ay soo dhaweeyeen hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Nicholas Kay, iyaga oo mas’uuliyiintaan bilaabay in kulamo ay la yeeshaan maamulka iyo waxgaradka degmadaasi.



From the comments