Maxkamadda ayaa raggani ku eedeysey in ay dhac baahsan iyo isbaaro dhigasho, iyaga oo iibsaday baabuur yaryar iyo mootooyin kuwaasi oo ay ku ceersadaan gaadiidka dadweynaha, kadibna kusoo dhacaan.
Dad marqaatiyo ah iyo kuwa dhibanayaal ah ayaa maxkamadda horteeda ka sameeyey qiraal, kuna cadeeyey in ragga lasoo eedeeyey oo ah 13 askari ay 10 ka mid ah dambiga geysteen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa 10 sanno oo xarig ah ku xukuntey 10 ka mid ah askarta oo magacyadooda kala yihiin
Shariif Axmed
Cabdullaahi Cali Xassan
Cabdullaahi Xuseen Maxamuud
Xasan Maxamuud Gacal
Muumin Maxamed Cabdulle
Cabdullaahi Xassan Maxamuud
Maxamed Maxamuud xaashi
Biif Maadeey Aboow
Cabdullaahi Maxamed Macoow
Ibraahim daahir axmed
Waxa ayse maxkamadda fasaxday 3 askari oo dambiga lagu waayay , waxayna magacyadooda kala yihiin
Axmed Cabdiqaa
Xasan Maxamed
Dayax Geeseey
Intii muddo ah waxaa gobolka Shabeelaha Hoose laga cabanayay isbaarooyin iyo dhac lagu eedeeyey ciidamo ka tirsan dowladda, iyada oo isku dayo badan oo isbaarooyinka lagu qaadayo ay miro dhal noqon waayeen.
Hase yeeshee maxkamadda ciidamada ayaa laga rajo qabaa in ay wax ka qabato isbaarooyinka.
From the comments