Ciidamada Booliiska dalka Angola ayaa xabsiga dhigay dad badan oo Ajaaniib ah, islamarkaana ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaa oo badi lagala baxay guryahooda iyo Masaajida.
Axmed Nuur Xirsi oo ka mid ah Soomaalida dalka Angola ku nool ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in maalintii shalay ahayd ay ciidamada kusoo yaaceen xaafad ay Soomaali iyo Dad ajaaniib ah ay degan yihiin, iyaga oo gaadiid shabaqle ah lagu xaabiyay.
Dadka qaar ayuu sheegay markii la xaqiijiyo sharcigooda in lasii deynayo, balse kuwa aan haysan sharciga xabsiga lagu sii haynayo. waxaana Soomaalida La xiray ay ka badan yihiin 200 qof.



From the comments