Odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sahrmaarke in uu wax ka qabto dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee maxaabiista ku ah qaar ka mid ah dalalka caalamka.
Afhayeenka Odayaashaan Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ay jiraan Soomaali aad u badan oo xir xiran sanadooyin kuwaa oo ilaa hadda aan dowlad Soomaaliyeed ka helin in ay u gurmato.
Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ay horyaalaan shaqooyin badan, una baahan wax qabad dhab ah.



From the comments