Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha hoose waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, iyadoo sidoo kale halkaasi laga soo sheegayo cudurka duumada.
Cali Cabdoow Shuceyb oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xaaladda ay tahay mid maalinba maalinta ka dambeysa kasii darayso, islamarkaana cuduradaan ay la il daran yihiin dad aad u badan.
Waxa uu sheegay in dadka xanuunsanaya badi ay yihiin caruur, iyadoo intaasi ay u dheertay goobo caafimaad oo dadka lagu daweeyo islamarkaasina halkaasi ku yaalla.



From the comments