Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay Kudladda Badbaado ee baarlamaanka waxa ay soo saareen hadal rasmi ah oo ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ku go’aansadeen shirkii ay yeesheen.
Xildhibaan Bishaar oo ah afhayeenka Badbaado iyo Xildhibaan Cabdi Bare oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay in la asaaso madal ama shir la’isugu keenayo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada si ay aayaha dalka oga tashadaan.
Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay taageeraan Ra’isulwasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid, islamarkaasina ka shaqeeyaan sidii codka kalsoonida uu oga heli lahaa baarlamaanka, si dalka horey ugu talaabsado, loogana fogaado caqabad kale oo ragaadisa dowladnimada Soomaaliya, go’aankana ay gaareen kadib markii ay arkeen taageerada shacabka Soomaaliyeed ay u muujiyeen Cumar Cabdirishiid.



From the comments