Gudoomiyahii deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose Ibraahim Aadan Dhaqane ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi ka dib markii uu tilmaamay cadaadis badan uu soo wajahay.
Mas’uulkaan oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in culeys badan uu kala kulmay maamulka KMG ee Jubba oo uu ka carabaabay wasiirka Arimaha diinta ee maamulkaasi iyo xubno kale.
“Aniga oo ahaa gudoomiyahii deegaanka Hosingow waxaa xubno uu ka mid yahay wasiirka diinta maamulka Jubba ay keeneen nin kale oo ay leeyihiin waa gudoomiyaha degmada, halkaasi buuq baa ka dhashay, xoog buu damcay in uu nagu soo galo, halkaasi dagaal baa ka dhacay, Odayaashii iyo AMISOM ayaa soo dhex galay, waxaana garta loo daayay Odayaasha, aniga anoo eegaya wanaaga dadkeyga waxay Odayaasha keeneen in Labadeena aan meesha baneenno, anigane sidaas ayaan isku casilay, ileyn kama weyni Odayaasheena dhaqanka, ninkii kale ee qaska waday isna 10 maalin ayuu qabsaday” ayuu yiri Gudoomiyahii Hosingoow ee gobalka Jubada Hoose.



From the comments