
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay weli wadaan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay qarax Miino oo dhawaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagula eegtay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee maamulka Gobalka Mudug, halkaasi oo dhaawac uu kasoo gaaray.
Axmed Muuse oo ah gudoomiye ku xigeenka Labaad maamulka gobalka Mudug ee Puntland oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay bilaabeen baaritaano arintaasi la xiriirta.
“Baaritaanka waa uu socdaa cidna uma aan qaban, waxa uu ahaa qaraxa mid gaariga lagu rakibay, hadda cid loo haayo ama si gaar ah u daba joogno ma jirto, laakiinse baaritaanka waa uu socdaa, mas’uulkaan waa markii Labaad oo la qarxiro, qaraxyada sidaan oo kale ah waa kuwo magaalada kusoo batay, waliba si gaar ah ayaa loola eegtay mas’uuliyiin badan, anaga waxaa nagu cusub qaraxyadaan gaadiidka lagu xiro” ayuu yiri Axmed Muuse.



From the comments