Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in maamulka KMG ee Jubba xilligaan aanay dooneyn nabad ka dhalata magaalada Kismaayo, islamarkaana ay dhibaato u geystaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
Korneel Cabdiwahaab Cumar oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xooga dalka ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada maamulkaasi xilli walba dadka shacabka ah ay dhibaato ku hayaan.
“Waxaan dhihi karaa waa jabhad, Kismaayo shacab Soomaaliyeed ayaa lagu gumaadayaa, anaga sabarkii waa naga dhamaaday waxaana qasab nagu ah in shacabkeena iyo caruuteena halkaasi ka badbaadsanno” ayuu yiri Korneel Cabdiwahaab.



From the comments