Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxay sheegayaan in halkaasi lagu dhaawacay Korneel Yaasiin Nuur Gaas Raadeer oo ka mid ah Aas Aasayaasha Maamulka Jubba, haatanna ka mid ah saraakiisha maamulkaasi.
Laba Nin oo la sheegay in uu ku hubeysnaa qoriga AK-47 ayaa gudaha u galay Hotelka uu magaaladaasi ka deganaa Korneelka, iyaga oo rasaas ku furay.
Raadeer waxaa soo gaaray dhaawac xoogan, waxaana goobta isaga baxsaday dadkii falkaasi ka dambeeyay, iyadoo dhaawaca Korneelka Loo Qaaday garoonka Magaalada Kismaayo.



From the comments