Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegey gacan ku heynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay isaga baxeen ciidamadii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee intii muddo ahba ka talinayay degmadaasi.
Sida uu Goobjoog u sheegey guddoomiyaha ay dowladda u magacoowdey degmadaasi Cabdirisaaq Maxamed Axmed, maamulkii dowladda ayaa si rasmi ah uga shaqo galay magaalada, wuxuuna intaasi ku daray in ay meesha isaga baxeen ciidamadii Ahlu Sunna ee intii muddo ahba hortaagnaa in maamulka dowladda uu halkaasi gaaro, sida uu hadalka u dhigey.
Balse guddoomiyihii Ahlu Sunna ee magaalada Maxamuud Xasan Cali ayaa isna Goobjoog u sheegey in uu wali ku suganyahay magaalada islamarkaasina uusan jirin warka ku saabsan in ciidamada Ahlu Suna ay isaga baxeen.



From the comments