Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo haatan hadal dheer ka jeediyay furitaanka kulanka xildhibaanada baarlamaanka oo maanta codka kalsoonida ah loogu qaadi doono Ra’iisul wasaaraha Magacaaban Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah.
Jawaari ayaa ugu horeen ka hadlay arimaha ku aadan khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli, isaga oo sheegay in arimo badan laga soo gudbay.
Waxa uu u hambalyeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana uu sheegay in shaqooyin badan la’iska sugaayo.



From the comments