Gudoomiyaha Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Barqab ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada daminta xiisado beeleed ka jira deegaano badan oo ka mid ah gobalada Dhexe ee dalka.
Waxa ay sheegtay in ay dowladda Federaalka ay ka codsanayaan in ay Haweenka ka qeyb galiyaan wax walba oo lagu xalinayo xiisadaha Beeleed ee dalka ka jira, iyada oo tilmaantay in Haweenka ay ragga uga nugul yihiin in deg deg ay ku damiyaan xiisadaasi.
“Diyaar ayaan u nahay in aynu ka qeybqaadano dadaalka lagu xalinayo xiisadaha beeleed ee gobalada dhexe, anaga ayaa uga dhaw xalinta ragga marka la eego, waayo waxa dagaalamaya waa wiilasheena, waxaana leenahay Soomaalida dagaalada ha joojiyaan”



From the comments