Maamulka Degmada Cabdicasii ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in isbedal xoogan ay ku sameeyeen adeegyadii bulshada ee degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmadaasi Injineer Maxamuud Cabdulaahi Axmed ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dhawaan ay soo gaba gabeeyeen dayactir lagu sameeyay qaar ka mid ah Iskuulada degmadaasi iyo wadooyin bur bursan oo xaafadaha degmada Cabdicasiis dhexmara.
Waxa uu sheegay in dhawaan ay furi doonaan wadooyin kale oo waaweyn, islamarkaana mudada ay joogeyn ay qabteen howlo badan oo shacabka dan u ah waa sida uu hadalka u dhigaye.



From the comments