Maxkamada Racfaanka ee gobalka Banaadir ayaa si adag uga hadashay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiro wax ka badan 48-saac iyadoo aan loo haysan fasax ama wax la mid ah.
Gudoomiyaha Maxakamadaasi Xasan Maxamed Maalin oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in marnaba aanay macquul ahayn in qofka muwaadinka xuquuqdiisa la duudsiiyo, islamarkaana meel aan la’isaga xanibin isaga oo loo sheegin waxa lagu haysto.
“Dastuurka sida uu leeyahay waa in qofka loo sheegaa waxa loo haysto, in meel la’iska fadhiisiiyo ma ahan, qofka muwaadinka ah waa in loo ogolaadaa in uu qabsan karo qof sharci yaqaan ah uu isaga ku kalsoonyahay, hadii aanu heli karin dowladda ayaa laga rabaa in ay u magacawdo hadii uu kiiska culus yahay, in la ilaaliyo saacadaha iyo waqtiga lagu hayn karo meelaha wax lagu baarayo, maxaa yeelay sharciga waxa uu leeyahay 48 saacadood ka badan qofna laguma hayn karo saldhig, waxaad arkaysaa kuwo todobaadyo iska haysta, waxaa waajib ah garsooraha markii loo geeyo in uu iska sii daayo maxaa yeelay waqtigiisa lama ilaalin” ayuu yiri Gudoomiye Xasan Maxamed Maalin



From the comments