Musharaxa madaxweynenimo ee gobolada dhexe Axmed Macalin Fiqi oo maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ayaa ku baaqay in musharixiinta iyo dadka ku jira ololaha doorashooyinka aysan kala qeybinin bulshada ku nool gobolada dhexe.
Wuxuu sheegey in maamulka ay ku mideysanyihiin 13 beelood , islamarkaasina xitaa haddii beel kasta ay musharax keensato in aysan ahayn in taasi ay dadka kala qeybiso, “Qofkii bulshada kala qeybinaya ma ahan nin dan usoo wada gobolkani” ayuu intaasi raaciyey Danjire Fiqi.
Afayeenka odayaasha Gaalkacayo Yaasiin Maxamed Gaani oo xafladii soo dhaweynta ka hadlay ayaa sheegey in ay aad usoo dhaweynayaan musharaxa oo uu tilmaamay in uu yahay nin aqoon leh.



From the comments