Goobjoog

Shariif Xasan oo Baydhabo Ku Laabtay, Soona Dhameystiraya Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku laabtay magaalada Baydhabo kadib safar shaqo oo uu ku joogey magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay. Shariifka ayaa sheegey in…

shariif xasanMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ku laabtay magaalada Baydhabo kadib safar shaqo oo uu ku joogey magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay.

Shariifka ayaa sheegey in uu safaro ku kala tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe, islamarkaasina kasoo shaqeeyey gogol nabadeed oo la dhexdhigo beelo ku dagaalamay gobolka Shabeelada Hoose, gogoshaasi oo ka fidsan magaalada Afgooye.

Shariifka ayaa la filayaa in uu soo dhameystiro golihiisa wasiirada oo hadda 4 ka mid ah uun la magacaabay.

Dhageyso

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments