Wararka naga soo gaaraya gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu goordhaw ka bilawday dagaal u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland Iyo Gal-mudug, kaa oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Dagaalkaan ayaa ka socda deegaanka Saaxo oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobalka Mudug, waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay rasaas xoogan isku adeegsanayaan.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay 3 qof, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeyn Laba kale sida ay inoo sheegeen dad ku dhaw halkaasi.



From the comments