Waxaa goordhaw soo gaba gabowday codka kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyaga oo codka u siiyay si aqlabiyad leh.
Codeynta ayaa ahayd gacan taag, waxaana xildhibaanada maanta xaadirka ahaa tiradoodu ahayd 224 Mudane, iyadoo codka loo qaaday Aqbalis, Diidmo iyo Ka Aamusnaan.
Dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida ah siiyay marka laga reebo 6 xildhibaan oo banaanka ku maqnaa, iyaga oo codkooda aamusnaan loo tiriyay mana jirin cid diiday.



From the comments