Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar maanta rag hubeysan ay ku qaadeen xarunta midoowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee Xalane.
Dublamaasi reer galbeed ah oo ka warhaya xaaladda ayaa wakaaladaha wararka u sheegey in illaa inta u dhaxeysa 15 illaa 20 nin oo hubeysan ay gudaha u galeen Xalane.
Afayeen u hadlay Alshabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Muscab ayaa sheegtey mas’uuliyadda weerarka, wuxuuna sheegey in bartilmaameedka uu ahaa xaflad loogu dabaaldagayay maalinta ciidda masiixiyiinta ee Kirismaska. Wuxuu intaasi ku daray in ay askar ku laayeen gudaha Xalane.



From the comments