Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararka sheegaya in dagaaladii shalay ka dhacay deegaanka Saaxo uu u dhaxeeyo maamulka Gal-mudug iyo Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dagaalada ka socda Saaxo ay yihiin kuwo beeleed, islamarkaana maamulo aanay wax shaqo ah ku lahayn.
“Waxaan maqalnay in lagu dagaalamay Saaxo, waana beelo halkaasi wada degan, sidaan oo kale ayeey beelo ahaan horay ugu dagaalameen, waa been abuur in aynu wada dagaalnay, qabiilkii ayaa maamulo iska sheeganaya, anaga wax naga dhaxeeyo oo aynu isku hayno malahan, anaga ciidan ma dirin Gal-mudugna uma maleynayo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.



From the comments